XOG: Al-Shabaab Dowladda isku ekeysiiyay oo Qorshe Halis ka wada Muqdisho

0

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada baaritaano xoog leh iyadoo ilaalo gaar ah loo yeelay goobaha muhiimka sida Hotelada, Guryaha ay degan yihiin masuuliyiinta, guud ahaan xarumaha dowlada iyo meelo kale oo muhiim ah.

Gawaari qaraxyo ah iyo rag ku labisan dharka ciidamada dowlada ayaa ku jira magaalada Muqdisho, kuwaas oo doonaya inay weerar ku qaadaan xarun muhiim ah.

Shaqaalaha dowlada ayaa qaarkood la kulmaya cadaadis ka badan midkii hore, iyadoo waddooyinka markii lagu baarayo aysan si fudud uga gudbi Karin hadii ay la soo baxaan kararkooda aqoonsiga oo markii hore ay si fudud ugu gudbi jireen.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in rag lagu qiyaasay 40-ruux oo iska dhigaya Nabad sugid kuwaasi oo kararka Aqoonsi weydiinaya shaqsiyaadka,waxaana la leeyahay baro Kontarol ayay ku leeyihiin Muqdisho.

Raggii weeraray Hotelka Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney wateen kaarar Aqoonsi NISA oo u suurta gelisay iney dhaafaan bar Kontarol oo Hotelka loo dhaafayay.

Cabsida xoogan ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa culeys weyn saareysa shaqsiyaad dowlada u shaqeeya iyo ardayda jaamacadaha oo baaritaanada ugu badan la marsiinayo maadaama Al shabaab ay kaarar aqoonsi doonayaan inay galaan goobaha ay weerarka ku yihiin.