Xog: Axmed Madoobe, Xaaf iyo Deni oo dabin cusub u dhigaya Farmaajo

0

Madaxweynayaasha Puntland,Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxay muujiyeen inay doonayaan inay Ka cad goostaan Dawlada islamarkaana ay ka hor istaagaan Qorshe ay damacsan tahay.

Dawlad gobolleedyadani waxay yihiin Mucaarad ka hor yimid Falsafada Madaxda Dawlada Dhexe taasi oo keentay inay labo ka mid ah ay xiriirka ujaraan wada shaqeynta.

Waxa uu sheegay sargaal katirsan Madaxtooyada Puntland in Kulanka ka dhacaya Dhuuso mareeb laga yaabo in lagu soo bandhigo Qariirad loo wajahayo fashilka Go’aano lagu cunuqabateenayo Maamuladaasi.

Galmudug,Jubbaland iyo Puntland ayaa waxay isku garab dhiganayaan inay muujiyaan Madaxtooyada Soomaaliya inay ka hor istaagaan shirqoolka ay maleegeyso.

Axmed Xaaf iyo Axmed Madoobe waxay wajahayaan Doorasho ay Dawlada Cadaadis ku heyso,iyadoo Saciid Cabdullaahi Dani uu yahay mid heysta wakhti ku filan.

Doorashada Jubbaland iyo Galmudug ayaa xiiso gaar ah leh marka la eego sida ay ukubaareeneyso Maamuladaasi.