Xog buuxda: Yaa Hogaamin doona dagaalka ku fool leh Shabaab?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxay qaadi doontaa dagaal aad u xooggan oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo 14-kii bishan shacab badan ku xasuuqay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xog la helay waxay sheegeysaa in dagaalkaan uu si rasmi ah u hoggaamin doonaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxda ayaa furumaha dagaalka u kala joogi doona Maalmo is dhaaf ah, waxaana sidoo kale lagu shaqeyn doonaan mudadaasi aagagga dagaalka.

Hay’adaha dowladda ee dhanka ammaanka quseeya waxay madaxtooda dhammaan ka wada howlgeli doonaan aagagga dagaalka ee jiidaha hore.

Xogtu waxay sidoo kale tilmaameysaa in mudada dagaalladan socdaan aanay dalka imaan doonin madax shisheeye oo madaxda dalka la kulmaya ama in madaxda Federaalka ay dibadda u dhoofaan.