Xog: Cabsidii ugu waynayd oo ka taagan Magaalooyin ka mid ah Somalia

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiysay in Ururka Daacish xubno ka mid ah ay soo galeen Magaalooyin ka mid ah Gudaha Soomaaliya, islamarkaana arintaan ay dowladda Soomaaliya ay ku waddo baaritaano dheeraad ah.

Dowladda Soomaaliya ma shaacin in Magaalooyinka ay Daacish soo gashay ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho, laakiin Daacish ayaa dhowr jeer sheegatay dilal ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo waliba Afgooye.

Wasiir dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ka doodeen qatarka Daacish, Maadaama ay soo galeen Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Waddaan howlgallo looga hortagaayo Kooxdaan.