(XOG CUSUB) Maxay ka wada hadleen Faroole & Shariif Sheekh Axmed oo ku kulmay Jabuuti?

0

 

XogdoonNews ayaa heshay xogo dheeraad ah oo ku saabsan kulankii dhexmaray Madaxweynaha dawladdii hore ee Faderaalka Shariif Sheekh Axmed iyo M/weynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud (Faroole), kaas oo ka dhacay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Labadan Masuul waxay labaduba doonayaan in ay u tartamaan Hogaanka ugu sareeya Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweyne-nimada doorashada dhici doonta sannadkan gudihiisa.

Ilo ku dhaw dhaw wada hadalada labada dhinac ayaa sheegaya in ay si toos ah uga wada hadleen arrimaha Doorashada ku saabsan, gaar ahaana dhinaca soo xulida xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

In ay siyaasiinta Soomaalida ee hadda xilalka haysa yeeshaan saameynta ugu badan ayaa kamid ah arrimaha ay isla soo qaadeen, sidaas oo kale meesha kama marneyn walaaca ay ka qabaan in tartamayaasha doorashada ee haddana xilalka sare haya ay soo galin karaan baarlamaanka cusub xubno ay wataan.

In door ay ku yeeshaan hanaanka wax u socdaan ayaa qeyb ka ahayd arrimihii ay ka wada hadleen, iyadoo uu Siyaasi kastaa wato qorshihiisa Siyaasadeed ee gaarka ah.

Is gaashaanbursi dhexmara labada dhinac ayaa ka mid ahayd arrimaha ay isku raaceen, kaas oo looga gol leeyahay in Hogaamiyaha hadda ee dawladda Soomaaliya uusan mar kale ku soo laaban Hogaaminta dalka, taas oo dhabar jab weyn ku noqon karto Kooxda DAMU JADIID.

Wararka ayaa xaqiijinaya in arrinta la xariirta tagitaan ay Masuuliyiintan tagaan Hargeysa ay isku raaceen in aysan munaasab aheyn waqtigan, isla markaasna ay qadiyadda midnimada Soomaalidu ay tahay mid lama huraan ah oo aysan cidna ka wada hadli karin.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Faderaalka KMG ah Shariif Sheekh Axmed Cabdiwali & Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Abdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa kulankoodan wuxuu yahay mid saameyn siyaasadeed yeelan kara, waxaana hogaanka hadda ee Villa Soomaaliya ay il gooni ah ku hayaan Shariif Sheekh Axmed oo ay cabsi uga qabaan in uu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here