Xog: Farmaajo oo hal siyaasi laga fujin la’yahay taas oo niyad jabisay shaqsiyaad raadinayay xilka Ra’’iisul wasaaraha

0

Dadkii la kulmayay madaxweyne Farmaajo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa kasoo wariyay hadal dad badan niyad jab ku riday oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin rabay xilka Ra’iisul wasaaraha Somalia.

Hogaamiyaha dhowaangalka ah ee Somalia ayaa ku jira kala xulashada qofka uu u magacaabayo ra’iisul wasaaraha cusub waxaana uu qaabilay dad badan oo raba jagadaas ,qabiilo iyo la taliyaal caalami ah.

Dadkii u tagay Farmaajo waxaa ay kasoo wariyeen in mar walba oo uu sheekeynaayo uu hadalkiisa kusoo daro C/naasir Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha doorashadii dhacday 8dii bishaan.

C/naasir ayaa hada ka mid ah shaqsiyaadka raadinaya xilka ra’iisul wasaaraha cusub waxaana ay arintu u muuqata in Farmaajo xitaa uu rabo ninkaan madaama sheekooyinkiisa laga dhan dhansaday sidaas.

Image result for Farmaajo iyo Cabdinasir Cabdulle Jimcale

“Waxaan ku dhowaad hal saac la joogay madaxweynaha ,intii aan la joogay 5 ilaa 6 jeer waxaa uu ii sheegay wax ku saabsan arimaha C/naasir taas waxaan u fahamay inuu jecel yahay iney wada shaqeeyaan oo uu xilka Ra’iisul wasaaraha siiyo ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan aqalka sare oo Farmaajo u tagay.

Sida caadiga ah siyaasiga waxaa rabitaankiisa laga fahmaa hadalkiisa oo inta badan noqda mid ku qotama waxa uu damacsan yahay , arintaan waxaa kale oo sheegay siyaasiyiin la kulmay madaxweynaha oo ay ku jireen xubno raadinaya xilka Ra’iisul wasaaraha.

C/naasir ayaa dhanka kale waxaa uu taageero ka heysta beesha Habar Gidir iyo inta badan xildhibaanada beesha Daarood ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo Farmaajo usoo jeediyay inuu magacaabo C/naasir Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here