Xog: Farmaajo oo Qorsha Cusub u ka leh Khilaafka kala dhaxeeya Hugaamiyaasha Maamul Goboleedyada

0

Warar hoose oo ay heleyso Xogdoonnews ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu doonayo inuu Todobaadyada soo aadan xoogga saaro xal u helida khilaafka Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada hoostaga.

Madaxweyne Farmaajo oo diidanaa in gacan sedexaad soo fara galiso arrimaha Dowlada dhexe iyo maamulada hoostaga ayaa hada u muuqda inuu wax ka bedelay go’aankiisa maadaama Dowlad Gobaleedyada ay ka biyo diideen codsiyo dhowr ah oo Dowlada Federaalka ay hordhigtay.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Warqada uu Madaxweynaha Soomaaliya u qoray Urur Gobaleedka IGAD ay ka dambeysay ka dib wada tashi Madaxda Dalka ay ka yeesheen sida xal looga gaari karo Xiisada taagan.

Dowlad Gobaleedyada ayaa ku eedeeyay Dowlada dhexe inay kaga baxday balamo dhowr ah oo ay la gashay taasoo sababtay inay xiriirka u jaraan, waxaana isku xilsaaray xalinta khilaafka Aqalka sare oo u muuqda inuu wali natiijo cad ka helin kulamadii ugu dambeeyay  ay la yeesheen Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug.