Xog: Khayre oo Balan uga baxay Xildhibaanada

0

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan oo loo yaqaano Beene Beene ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay u balan-qaaday in 6-dii bilba inuu Baarlamaanka hor imaanayo, illaa iyo hadana aanu balantaas fulin.

Xildhibaan Beene Beene ayaa sheegay in labo sano iyo dhowr bil oo ay jirto Xukuumaddan aanay illaa iyo hada dhicin Wasiir lala xisaabtamay oo Baarlamaanka hor-yimid, taasoo uu ku tilmaamay inay ku dhacday Xildhibaanada oo shaqadooda gabay.

“Labo sano iyo dhowr bil ma jiro Hal wasiir lala xisaabtamay oo Baarlamaanka yimid, Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu horay noogu balan-qaaday 6-dii bil kastaba anigaa Baarlamaanka hor imaanaya, iima yeereysiin, walina ma dhicin taas”ayuu yiri Xildhibaan Beene Beene.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalintii labaad dood kulul ka leh arrimaha Amniga, iyadoo kulanka maantana uu yahay mid albaabada u xiran oo Wasiirada qaabilsan arrimaha Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay ka jawaabayaan su’aalaha la weydiinayo.