XOG:- Maxaad kala Socotaa Sababta Xaliimo Yareey loogu xiray Dhuusamareeb?

0

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud lagu xiray, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee madaxa Bannaan, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yareey) taasoo ay Qabteen Xabsigana dhigeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlu-sunna ee dhowaan ku biiray Galmudug.

Xaliimo ayey Ciidamadu qabteen iyadoo Dhuusamareeb u tagtay in dadka deegaanka ee Siyaasadda ku lugta leh iyo Odayaasha, Qeybaha Bulshada kala soo hadasho sida ay dalka uga dhici karto doorashada loo madlanyahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xaliimo Yareey ay u xirantahay Cabdisamed Macallin Maxamuud oo Awood ku leh Ahlu-sunna, kaasoo la sheegayo in ay Xurguf hore kala dhexeysay Haweeneyda la xiray.

Marwo Xaliima iyo Cabdisamed Macallin Maxamuud ayaa la sheegayaa in Khilaaf uu horay usoo kala dhexgalay ka hor doorashadii dalka ka dhacday, waxaana taas isagoo ka duulaya la sheegay in Ciidamada ka tirsan Ahlu-sunna uu ku amray in ay soo xiraan.

Ilo Wareedyo ayaa Xogdoonnews u sheegay in Ciidamada Ahlu-sunna ay kaxeeyeen Xaliima Yareey, iyagoo aan wax Warqad ah wadan, isla markaana uu go’aanka Gabadhaan xariggeeda uu raadka ugu weyni gelayo Cabdisamed Macallin Maxamuud.

Ma jiro Wax war ah oo kasoo Baxay Maamulka Ahlu-sunna, kaasoo la xiriira Sababta Xarigga Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa bannaan oo Dhuusamareeb maanta lagu xiray.