XOG: Muxuu ku saabsanyahay Safarka Kheyre ee Baraawe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay ku wajahanyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxay u tegayaan Baraawe Arrimo la xiriira Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyagoo magaala xeebeedkaas uga qeyb gelaya shir Arrimaha Amniga ah oo ay sidoo kale xaadiri doonaan xubno ka socda saraakiisha Ciidanka Meletariga Soomaaliya iyo saraakiil AMISOM ka tirsan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxay u tegayaan Degmada Baraawe in ay muujinayaan Taageerada ay Ciidanka Dowladda kula garab taaganyihiin la dagaallanka Al-shabaab.

Ciidanka DFS ayaa waxay shalay kala wareegeen Al-shabaab Tuulooyin hoostaga degmada Baraawe, waxayna ku wajahanyihiin Goobo kale, iyadoo guddoomiyaha Shabeelaha hoose oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ciidanka Baraawe u wajaheen sidii ugu saxneyd ee ku talagalku ahaa.

Xog ay heshay Xogdoonnews ayaa dhankeeda muujineysa in ay suuragal tahay in Degmadaas is Beddel dhanka Taliska Amniga ah lagu sameeyo, iyadoo sidoo kale Saraakiisha DFS ee halkaas joogana lagu Amrayo in ay dagaalka Al-shabaab u wajahaan sida ugu xooggan ee ay macquulka ku tahay in looga sifeeyo Shabaab deegaannada ku dhow Baraawe.

Wuxuu noqonayaa Safarkii ugu horreeyay ee uu ku tago Baraawe tan iyo markii la magacaabay 8 Bilood ka hor, wuxuuna RW Kheyre safarkiisa ka rajeynayaa in uu noqdo mid guul uu kasoo hooyo.