Xog: RW Khayre oo durba bilaabay kulamo uu uga hortagayo Mooshinka laga keenayo

0

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxa uu xarunta Villa Hargeysa kulamo kula lahaa guddoonka golaha shacabka iyo xildhibaano.

Shalay Ra’isal wasaaraha ayaa tagay xarunta Villa Hargeysa xilliga barqada waxa uu ka soo laabtay 3:00 galabnimo, intaas waxa uu si gooni gooni ah ula kulmaayay guddoonka iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Maanta waxaa jira kulamo kale oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, guddoonka golaha shacabka ayaa kulan albaabada u xeran yihiin la yeelan doona Kheyre.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xildhibaano tiro badan ay qorsheynayaan mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaaraha oo ay u gudbin doonaan guddoonka golaha shacabka marka diyaariskiisa dhamaado.

Kheyre Cadaadis waxa uu kala kulmayaa xaafiiska Madaxweynaha, taas ayaana xildhibaanada kusii dhiiri galinaysa in dabada ayka riixaan Mooshinka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’isal wasaaraha cadaadis siyaasadeed uu kala kulmayo beesha caalamka..