XOG: RW Kheyre oo Qorsheynaya inuu xilka ka qaado Guddoomiye Thaabit + Sababta

0

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska RW Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi iyo RW Kheyre, khilaafka ayaa waxaa uu salka ku hayaa ashtako badan oo soo gaareysa xafiiska RW Kheyre, taasoo aay shacab iyo masuuliyiinba aay ka cabanayaan Guddoomiye Thaabit.

Isku dhaca ayaa waxaa bilowday markii uu RW Kheyre amray in la fujiyo sawiro uu dhawaantan amray Taabit in lagu sharxo boosteejooyinka baabuurta laga raaco, taasoo dhalisay in shacab badan aay arkeen in aanay muhiim ahayn in lacagta shacabka aay madaxda isku sharxaan.

Taabit ayaa diiday in la fujiyo sawiradaas taasoo ka careysiisay RW Kheyre, ilaa markii danbe uu Farmaajo soo dhex galay arrintan oo uu ku amray Taabit in la fujiyo sawirada.

RW Kheyre ayaa arrintan u arkay in aay wax ka jiraan isla weyniga aan macnaha lahayn ee dad badani aay kaga cabanayaan Taabit.

RW Kheyre ayaa madaxweynaha ka codsaday in Taabit si deg-deg ah looga wareejiyo guddoonka gobolka Banaadir, taasoo uu Farmaajo ku wargeliyay

RW Khheyre in uu tallaabada ku habboon uu ka qaado sida ugu dhaqsaha badan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir ayaa sheegay markii uu xilka ka degayay in uu koontada gobolka Banaadir aay ku jirtay lacag ka badan $3 milyan oo doollar.

Lama oga halka aay ka baxday lacagtaas waxaana markii wasiirka maaliyadda Beyle uu weydiiyay guddoonka gobolka Banaadir loo sheegay in lacagtaas lagu dhisay wadada soddonka, taasoo u cuntami weysay wasiirka maaliyadda iyo RW Kheyre