Xog: Sirdoonka kenya oo baraaya Shariif Xasan iyo arin la yaableh…

0

Sida ay Xogdoonnews ka heshay ilo Lagu Kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa ka dhacay arin layaab leh hotelka caanka ah ee Redsonblue oo kuyaala Nairobi dhacdadaas oo aheyd mid ugub ah kuna dhacday Madaxweynaha maamulka Konfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif xasan wuxuu balan kulahaa safaarada imaaraadka ku leedahay Nairobi xiliga balanta oo lagaaray awgeed wuxuu ka baxay hotelka Redsonblue waxaana raacay dabana socday sirdoonka kenya oo aad ula socday dhaq dhaqaaqa shariifka konfor Galbeed.

Markuu kasoo baxay safaarada imaaraadka dibna ugu soo laabtay hotelka uu deganaa waxaa qolkiisa ugu galay ciidamada kenya oo jirdil iyo qaraacba isugu daray kana qaaday lacagtii laga soo siiyay safaarada UAE ee Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sirdoonku wadaan baaritaan qoto dheer oo laxiriira qaabka hogaamiye goboleed lacag xajmigaas dhan loosiin karo, balse waxaa cad in ay tahay mid loogu talagalay in doorasho lagu galo.

Imaaraadka ayaa ku howlan sida Muuqata inay Shariifka kala shaqeeyaan sidii uu markale u Hugaamin lahaa Koofur Galbewd Somalia Balse Dowladda Somalia oo Kenya Xariir Dhow la leh ayaa Doonaysa in Shariifka looga Guulaysto Doorashada Madaama uu  ka mid yahay Hugaamiyaasha Maamulada ee hakiyay Xariirka ay la leeyihiin Dowladda, Imaraadka ayaana u muuqda in wili Somalia ku hayo laa luush iyo iska horkeen Waxaana hadii arintaani cadaato Macquul ah in Dowaldda Somalia ay UAE ku dacwayso Qaramada Midoobay.