Xog: Xaaf iyo Deni oo ku kulmaya Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka,isaga oo gaaray Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Xaaf oo hadal kooban siiyey Saxaafadda ayaa sheegay in dhawan uu faah faahin doono shirkii fashilmay ee Garoowe,isla markaana War-Saxaafadeed wadajir ah ay soo saari doonaan Madaxweynaha Puntland.

Kulan ayaa la filayaa inay dhawaan Koonfurta Magalada Gaalkacyo ay ku yeeshaan Madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland,isla markaana ay ka hadlaan shirkii Garoowe,waxaana Madaxweyne Xaaf Shacbaka Gaalkacyo kula dardaarmay inay nabadooda ilaalashadaan.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa kulankooda waxaa ay uga hadli doonaan adkeynta wadashaqeynta labada dhinac iyo iskaashiga Amniga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku sugan Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana kulankooda uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay oo gaar ah oo ay wada yeeshaan labada Madaxweyne.