Xog Xaaf oo markiisa labo daran mid dooran doona

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culeesyo dhanka maamul goboleedyada la kulantay waxii ka dambeeyay Golaha iskaashiga ay magaalada Kismaayo kaga dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Dhamaan madaxda maamul goboleedyada ayaa halkaasi ka jeediyay hadalo kul kulaa oo ay ku weerarayeen madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana khudbadaha ugu adag xiligaasi jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waare, Markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayuu jeediyay eedeymo kale oo adag, balse maalmo kadib markii lagu qanciyay dhaqaalo, lana joojiyay mooshin xildhibaanada ay ka wadeen wuxuu shaaciyay inuu la heshiiyay dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku waayay garbihii uu ka heystay Maamulada dalka.

Waxii intaasi ka dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay sida uu noqon doono xaalka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo doorasho ay ku wajahneyd, balse ciyaar siyaasadeed uu markii dambe farsameeyay ayuu u helay fursad lagula gorgortami karo, taasi oo ugu dambeyn qasabtay inuu iska casilo xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kana tanaasulo musharaxnimadiisa.

Si walbaa oo ka dambeysa iscasilaada Shariif Xasan waa Guul kale oo ay gaareen madaxda dowladda oo u muuqda inay kala furfureen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, markii dhankooda uu noqday siyaasigii ugu sareeyay.

Maamulada ayaa dareemay culees adag, markii laga hor istaagay safaro badan oo gobolka ay ku tagi jireen, iyaga oo dowladaha ay u tagayaan kala hadli jiray arimaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa hadda ku xiga madaxweynaha Galmudug inuu aqbalo la heshiinta dowladda Soomaaliya, maadaama markii hore culees dhanka Cadaado uu heystay, waxaa ku biiray madaxa Xukuumadda oo ahaa ruuxa uu taageero ka sugayay, laakiin kasoo jeestay dhanka dowladda.

Axmed Ducaale Xaaf, waxaa hadda uu u dhow yahay inuu noqdo madaxweynaha Seddexaad ee ugu dhow inuu la safto dhanka dowladda Soomaaliya, maadaama culeesyo ay heystaan, hadii uu taas samayn waayana waa Macquul ah in Mooshin Xilka looga qaadayo laga abaabulo ama uu lagu Cadaadiyo inuu iscasilo ayadoo laga soo marayo dhanka Ahlusunna.

Cabdi Welli Gaas, ayaa noqon kara ruuxa afaraad maadaama isagana labo bil kadib doorasho ay ku fool leedahay, waxaana hadda la hadal hayaa shaqsiyaad gaadiidka aan xabadda karin kala dagay deegaanada Puntland, kuwaasi oo musharixiin ah.

Axmed Madoobe, ayaa heysta taageerada dowladda Kenya, laakiin siyaasad ahaan Kenya waxay la safan tahay dowladda Soomaaliya, waxaa Axmed Madoobe uu heystaa fursad ah in maamulkiisa uusan ka talin meelo badan, taasi oo keeni karta in Kismaayo uu xooga saaro inaysan tagin siyaasiyiin aan la dhacsaneyn howlaha uu wado.