Xog yaa ku qasbay Shariif Xasan inu uu Tanaasulo

0

Wararka ay Xogdoonnews ka heleyso Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu sameeyay tanaasul ku aadan doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daaraya in Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay xilkii maaxweynenimo ee maamulkaasi, tanaasulkaasina uu u sameeyay danaha shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed (Ugaas Xasan).

Waxaa si kumeel gaar ah xilka madaxweynaha maamulkaasi usii heyn doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Hadaba yaa ku qasbay Shariif Xasan inuu iscasilo?

Wasiirro, xildhibaanno iyo odoyaasha taageersan Shariif Xasan waxaa ay noo xaqiijiyeen in nabad iyo nolol ay toos ula hadleen Adis Ababa, kana codsadeen garab, Abiy Axmed oo dano badan kaleh kooxdan dekadaha siisay wuxuu ciidamadiisa AMISOM ee gobolkaas ku wargeliyey inay Shariifka u sheegeen in aaney sugi karin amnigiisa “ hala doorto ama yaan la dooran”, sidaasna lagu amray!! Shariifka Itoobiyaa shaafteysay

Tanaasulka uu sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa madaxtinimada dhamaatay Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kusoo aadayso xili maalmihii dambe aad looga cabsi qabay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay qabsoonto kadib markii gudigii doorashada madaxweynaha ay iscasileen badidooda.