Xogdoonnews oo idin leh Ciid Wanaagsan

0

Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Xogdoonnews waxay akhristayaasheeda leedahay Ciid wanaagsan, bari oo beegan 15 ka bisha lixaad ayaa loo asteeyay maalinta ciida ah, dalal badan oo muslimiin ah ayaa la arkay bisha Shawwaal,

Waxaana kamida Turkiga, Qatar, Malasia, Indonesia,  Imaaraat, Sacuudi, Baxrain, kuwait iyo dalal kale oo Muslim ah, waxayna isku raaceen in maalinta bari ah tahay maalinta Ciidul fitriga, waxaa jira qaar kamid ah Dalalka Islaamka oo an Biri Ciidi doonin sida Masar, Bakistaan iyo Hindia kuwaas oo ay Sabtida u bilaaban doonta Munaasabada Ciidul Fitrigu.

Dalka Soomaaliya oo inta badan ku Xiran Dalalka aan horay ku soo sheegnay ee Biri Ciidayo ayaa laga Ciidi Doonaa Maalinta Biri, Dowladda Somalia oo Maanta fasaxday Dhamaan Shaqaalaha ayaa laga wadaa in goordhow Madaxda Qaranku ay Shacabka ugu Hambalyada Bilashada Bisha Shawaal.