Xogo cusub oo kusoo kordhaya Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle

0

Waxaa isi soo taraya tirada xildhibaanada maamulka hirshabeelle ee mooshinka ka wada madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdulaahi Cosoble, kaas oo ku aadan in xilka laga qaado madaxweynaha.

 

Wararka kusaabsan xidhimaanada mooshinka ka wada Cali Cabdulaahi Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in haatan tirade xildhibaanada mooshinka wada ay kor u sii dhaafayaan 50 mudane.

 

Cabdi wali Sheekh Cali oo ah afhayeenka xildhibaanada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in sababta ay xilka uga qaadayaan ay tahay la-tashi la’aan , kutagri fal awood iyo xil-gudasho la’aan .

 

Mooshinka ayaa yimid wixii kadambeeyay magacaabista golaha wasiirada maamulkaasi oo beelaha qaar ay ka hor yimideen qaabla loo qeybiyay , waxaana xusid mudan in ay jiraan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi oo kasoo horjeeda mooshinka taageerayana madaxweynaha Hirshabeelle

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here