Xogta-Xogdoon:-Qadar oo Guul Siyaasdeed ka gaartay Imaaraadka

0

Dowlada Qadar ayaa daaha ka rogtay inay qaadaneyso kaalinteeda ku aadan kobaca dalka Somalia oo iminka kasoo kabanaaya burbur sanado jirsaday.

Qadar ayaa sheegtay in waligeedba ay garab siin jirtay Somalia, hadana ay diyaar u tahay inay kordhiso talaabooyinka muuqda oo waxtarka u ah Somalia.

Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay inay Somalia ka caawin doonaan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasada, Amniga iyo Tayeynta ciidamada Qaranka Somalia.

Al Thani, waxa uu soo hadal qaaday war xumo tashiil uu sheegay in Imaraadka ka faafinaayo isgarabtaaga ay Qadar u muujineyso Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Qadar ay horay u waday taakuleynta Somalia, hadana ay sii wadi doonto.

Al Thani oo la hadlaayay saxaafada gudaha ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta aysan awood u laheyn inay tashwiish ku furto qorshooyinka Qadar ee Somalia, waxa uuna ballanqaaday inay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda Somalia.

‘’Qadar howlaheeda Somalia uma eegi doonto khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka wey naga go’an tahay inaan sii wadno isgarabtaaga Somalia’’

Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, ayaa imaaraadka uga digay in Khilaafka kala dhexeeya ay urogto dadaalka lagu xoojinaayo dhismaha iyo kabashada Somalia.

Haddalka Al Thani ayaa u muuqda mid ku foorara dowlada Imaaraadka Carabta oo walaac ka qabtay in Qadar ay buuxiso goobaha ay faarujisay.