Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo lagu Amray in ay Xaadiraan Dhuusamareeb

0

Shalay Gelinkii dambe ayaa Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir waxaa lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay halkaas u tageen in la dhammeystiro heshiiskii Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Ahlu-sunna ayaa lagu daray Galmudug, waxaana shirka furmay Dhuusamareeb Toddobaadkii hore Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Iyadoo qorshuhu yahay in labada Baarlamaan, Dasturka. Golaha Wasiirrada iyo Ciidanka maamulkaba lagu mideynayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku amray Mudaneyaasha Golaha Shacabka Maamulkaas in ay xaadiraan magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb noqdaan dhammeystirka heshiiska Maamulka Galmudug.

Shirka Dhuusamareeb inta uu socdo waxaa qorshuhu yahay in dhammaan madmadowga ka jira Heshiiska iyo Midnimada dadka galmudug meesha laga saaro, isla markaana si laab Furnaan ah loo wadaago Maamulka.