Xubno Al-shabaab ka tirsan oo isu dhiibay Maamulka Koofur Galbeed

0

Gobolka Baay wararka laga helayo ayaa sheegaya in halkaas ay xubno Al-shabaab ka tirsan isugu dhiibeen ciidanka Maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo muddooyinkii dambe qaabilayay ciidamo Shabaab kasoo Goostay.

Cabduqaadir Cabdiraxmaan Cali, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga ee maamulkaas ayaa sheegay in Al-shabaabka soo goosanaya ay sii badanayaan tan iyo markii ay Duqeymaha ka billowdeen Gobollada Koofurta Soomaaliya.

Saraakiisha ayuu sheegay in ay kasoo Goosteen Al-shabaab qeybahooda Shabeellaha hoose iyo Gobolka Baay, isla markaana ay isu dhiibeen ciidanka dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed.

Maamulka ayaa shaaciyay in ay Askarta Shabaab kasoo goosanaya dhaqan celin u sameyn doonaan, isla markaana aysan jiri doonin culeysaad la saarayo inta ay ku jiraan Gacanta Koofur Galbeed.