Xubno ka socda Madaxtooyada Soomaaliya oo gaaray Garoowe

0

Xubno ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, kuwaas oo maanta Barqannimadii ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Wafdiga gaaray Garoowe waxaa ay horudhac u yihiin Xubno uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Farmaajo, kuwaas oo ka qeyb geli doona u dabaal degga Cabdiweli Gaas uu ugu dabbaal degayo 4-sano Guuradii kasoo wareegtay markii la magacaabay.

Magaalada Garoowe ayaa aad looga dareemayaa u diyaar garowga soo dhoweyn loogu sameeyo halkaas Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maalmaha soo socda ayey Wafdiga madaxweynuhu ku wajahanyihiin Garoowe, halkaas oo ay sidoo kale tegayaan inta badan Madaxda maamul Goboleedyada dalka.