Xubo ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyo Werar u qorshaysnaa

0

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in Ciidamada ay qabteen Shan xubnood ka tirsanaa Shabaab.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadi rabeen Saldhigga ciidanka degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu sheegay War lagu daabacay Warbaahinta dowladda.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Al-Shabaab ay doonayaan inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii  ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.

Waxaa uu sheegay in baaris deg deg ah ay ku socota xubnaha la qabtay oo lasoo qaaday Magaalada Muqdisho.