Xudur Xaalkeedu Saakay ma wanaagsana

0

Maamulka degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaaladda degmadu aysan saakay wanaagsaneyn.

Iyadoo magaaladu ay tahay mid Go’doon ku jirta, marka la eego Roob mahiigaan ah oo Gobolka ka da’ay maalmihii u dambeeyay ayaa la sheegayaa in gaadiidkii waday raashinka Ganacsiga ah ee ka imaanayay magaalada Beledweyne uu jidadka magaalada soo Gala ku go’doonsanyahay maaddaama uu roobku biyo badan dhigay Waddooyinka.

Wadooyinka qaar ayaa horay ugu xirnaa Al-shabaab, waxaana ugu sii darsamay in kuwii aysan Shabaabku go’doomin uu hadda Roobku Jaray.

Gaadiidka ayuu sheegay Guddoomiyaha degmada Xudur in ay ku xayiranyihiin deegaanka Qurac-joome oo Qiyaastoo 120km u jirta Xudur.