Xukunka ICJ ee Bada: Xirmooyinka shidaalka oo badankood maray dhinaca Soomaaliya!

0

Xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay in ay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale waxay ku mareen dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub, sida ay warisay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.

Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.

Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay.

Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin in ay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo xilligii uu wasiirka ahaa ay Soomaaliya sahaminta shidaalka ka samaysay xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu baaritaan gaar ah oo uu sameeyey ku ogaaday in xirmooyinka badankoodu soo mareen dhinaca Soomaaliya.

Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika.

Xukunka xeerbeegtada hoostagta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaan la socon awood fulineed. Balse, shuruucda caalamka waxay xeerinaysaa in ay lama maarmaan ay tahay in loo hogaan-samo. Xukuumadda Nairobi waxay dhowr jeer dalbatay in kiiska lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda, balse waxaa diidey Muqdisho.