Xukuumadda Soomaaliya oo 3500 Dhalinyaro ah shaqo u Abuureysa “Dhageyso”

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si shaqo la’aanta dalka loo dhimo ay hadda billaabeyso qorshe shaqo loogu Abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxay xukuumaddu ku dhawaaqday in qorshaha shaqo abuurka ay ka billaabeyso 3500 oo dhallinyaro ah kuwaas oo loo sameynayo shaqooyin, ay xukuumaddu marka hore Abuuriddooda u sameyneyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Bangiga Aduunka ayaa waxa ay daahfurtay wareega koowaad ee maalgelinta Shaqa abuurka ee uu bangiga uu bixiyo,waxaana Sanduuqan kobcinta hal abuurka Ganacsatada Soomaaliyeed uu taageeri doonaa 150 ilaa 200 oo Ganacsata ah kuwaas oo ka kala imaan doona dhamaan wadanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulanka ka qeyb gelayay ayaa sheegay in ay taasi fursad weyn u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed.

“80% dhallinyarada Soomaaliyeed waqtigaan waa shaqo la’aan, sidoo kale dadka waaweyn dhammaan shaqo ma heystaan, waxaana loo baahanyahay in dadka hadda Mashruucan ka faa’iideysta ay iyaguna uga sii faa’iideeyaan dhallinyarada shaqo la’aanta ah” ayuu Kheyre ka sheegay furitaanka kulanka.