Xukuumadda Soomaaliya oo ku faantay in dalka uu ka socdo Dib u dhiskii loo Baahnaa!!

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre ayaa ku faanay in xukuumaddiisu ay ku raad joogto waddadii dhismaha dalka, taasoo meesha ka saareysa burbur dambe oo ka dhaca Soomaaliya.

Wuxuu ra’iisul Wasaaruhu Ammaanka kaalinta Horumarineed ee dowladda Mareykanku ay la garab taagantahay dowladda FS, iyadoo shalay uun ay aheyd markii ay dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanku kala saxiixdeen heshiis lacago badan ku kacaya.

Horumar iyo Tillaabo loo qaaday dhanka dib u dhiska ayuu kus heegay Kheyre heshiiska ay dowladda Mareykanku la gashay DFS.

Wuxuu ballan qaaday Xasan Cali Kheyre in dowladdu xaqiijin doonto in Mashaariicdii loogu talagalay lagu fuliyay lacagaha ay dowladaha Caalamku Amaahiyaan amaba caadi u siiyaan dowladda Soomaaliya.

“Somalia waxay cagta saartay waddadii dib u dhiska iyo horumarka, mana jiri doonto sida aan filayo sabab ay uga laabato, waxaa tusaale kuu ah heshiiska horumarineed ee ay dowladaha Mareykanka iyo Qatar nagu siiyeen lacago badan oo dalkan dib u dhiskiisa kaalin fiican ka ciyaari doona” ayuu Kheyre hadalkiisa kusoo Gunaanaday.