Yariisoow oo u digay mucaaradka Dowladda dhexe

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar  Cusmaan (Eng Yariisow)  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aynan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin.

“Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo).

Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka.