Zakariye:-“Jawaari Kaliya Looma Socdo Ee Baarlamaanka Oo Dhan Baa Loo Socdaa”,

0

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay khilaafka Golaha Shacabka iyo Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan-ka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya iney waddo qorshe ay ku burburineyso baarlamaanka hadda jira.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in mooshinka laga geeyay Gudoomiye Jawaari aanu ahayn mid isaga kaliya ku eg ee uu yahay mid lagu soo weeraray guud ahaan baarlamaanka Soomaliya.

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in layaab ay noqotay Xukuumadd Mooshin ka keenaysa Baarlamaanka Soomaliya, xili horey loo ogaa Baarlamaan la xisaabtamaya Xukuumadda Soomaaliya.

“Shaqadeenna waa inaan xukuumadda shaqadeeda ku koontaroolno, waayo iyaga iyo shacabka ayaan u dhaxeynaa, xaaladaasi iyada ah waxayba dhacday waqti aan ku habooneyn oo ah markii aan go’aan ka gaarnay shirkadda DP World, taasi oo  weerar iyo hujuum kusoo qaadday umadda Soomaaliyeed, meello badanna laga soo ceyriyey, iyadoo nabad loo seexday baan kusoo toosnay mooshin laga keenay Jawaari”, ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Waxaa wali jira khilaafka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka Soomaliya, inkastoo ay jiraan dadaalo lagu xalinaayo arintaas.