11 sabab oo muujinaya in aysan doorasho dhici karin sanadkan 2020!

0

Xilli sanadkan 2020-ka ay tahay in Soomaaliya ay aado doorasho guud oo baarlamaani iyo mid madaxtinnimo ah ayaa hadana waxaa dhanka kale jiro sababo cad oo ku tusinaya in qabashadeedu mustaxiil tahay.

Xiriirro aan la sameeyey dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka iyo hey’adaha ay khuseyso doorashada 2020/2021-ka, waxaa ii soo baxay ilaa 11-sabab oo ku tusinaya in sanadkan aaney codbixin iyo doorasho ka dhici doonin Soomaaliya.

1. Dhameystir La’aanta Sharciga Doorashada: Waa run in sharciga doorashada uu saxiixay madaxweyne Farmaajo laakin waa qalfoof uun, oo waxaa diiddan dowlad goboleedyada qaar, arrintan oo keeneysa baahida ah in wadahadal horleh laga galo sharciga, lana dhageysto cabashada maamulladaas.

2. Ka Heshiin La’aanta Nooca Doorashada: Xataa haddii laga heshiiyo khilaafka la xiriira sharciga doorashada, weli waxaa dhimman oo fadhiyo iyo heshiis gaar ah u baahan nooca doorashada oo saddex midkood la qaadan-doono (1).  In xildhibaanku ay doorato uun jufadiisa inta codbixinta u diiwaan geshan (2). In xildhibaanku doortaan dadka deggan deegaankiisa ee codbixinta u diiwaangeshan oo aan loo eegin beel (3). In loo noqdo qaabkii 2016-kii.

3. Ansixin La’aanta Sharciga Xisbiyada:  Baarlamaanka federaalka ah waxaa uu xirmay kalfadhigiisa 6-aad iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada qaran taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal soo noqdaan.

4. Fowdada Xisbiyada: Guddiga doorashada qaran waxaa ay si kmg ah u diiwaangeliyeen ilaa 76 xisbi qaran, xisbiyaddan waxaa ay ka shaqeeyaan uun Xamar, waa laga diiday maamullada qaar sida Puntland iyo Jubbaland, waxaa kale oo adkaan-doonto, waqti dheerna u baahan in la baahiyo ama diiwaangelintooda si rasmiga ah.

5. Diiwaangelinta Codbixiyaha: Sida ay horay u shaaciyeen guddiga madaxabannaan ee doorashada qaran, ajendahoodu waxaa uu ahaa in bishan March ay  bilaabaan diiwaangelinta codbixiyaha oo ay ku qiyaaseen ilaa saddex milyan oo qof, hadda March waa la joogaa, mana dhowa hawsha, xataa lama huba  bisha hawshaas la qaban karo.

6. Lojiskada:  Guddiga doorashada qaran oo todobaadkan la hadlay beesha caalamka waxaa ay sheegeen in aan weli laga hadlin arrimaha Lojistikada iyo sida wax looga qaban lahaa, goobaha la tagi karo, qaabka lagu tagi karo, waxa laga qaban karto iyo waqtiga lagu qaban karo.

7. Amniga: Aminga waa sabab kale oo aan weli xal laga gaarin, marka laga soo tago iyada oo aan la ogeyn goobaha amniga ah ee dadka isku diiwaangelin karaan, kana codeyn karaan iyo ciidankii amniga sugi lahaa, dadka la qorsheeyey in la diiwaangeliyo ma heystaan dammaanadqaad la xiriira amnigooda marka la eego sida loo ugaarsaday ergadii qeyb ka aheyd doorashadii 2016-ka.

8. Guddiga Doorashada Qaran oo La Fashilanayo: Marka laga soo tago in Puntland iyo Jubbaland ay xireen xafiisyada guddiga doorashada qaran, oo arrinta la siyaasadeeyey, guddigan si kasta uu u dadaalo waxaa jira dad iyo hey’ado ka shaqeeya iney fashiliyaan.

9. Khilaafka Dowladda federaalka ah iyo dowad goboleedyada: Muddo 2 sano ah kulan rasmi ah ma dhexmarin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, mana muuqato heshiis iyo isafgarad soodhow, taasi waa sabab kale oo dib u dhigeysa doorashada 2020-ka.

10. Sharciga Xuduudaha: Sharcigan waxaa uu muhiim u yahay in maamul goboleedyada kala ogaadaan xuduudda mid weliba leeyahay, arrinta la yaabka leh, sharcigan weli lama diyaarin.

11. Shaki Laga Qabo Villa Somalia: Khubaro badan ayaa waxaa ay qabaan in madaxweyne Farmaajo aanu awoodin qabashada doorasho qaran, in aaney agtiisa jirin rabitaanna waa qodob la raacin karo.

Sababahaas ka sokow, waxaa jira xeerar la’aantood aaney doorasho macquul aheyn oo weli dhimman, lana diyaarin waxaa ka mid ah: xeerarka dadka baahiyada gaarka ah, ololaha doorashada iyo qarashaadka ku baxaya, Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista murashaxiinta xisbiyada, xeerka xog siinta iyo toosinta xisbiyada si loogu caawiyo isu diyaarinta iyo dhaqangelinta doorashooyinka si waafaqsan sharcigan.

Xeerka xaddidaya isticmaalka ama bedelidda magacyada, astaanka ama midabka xisbiga, Xeerka dejinta qaabka xisbigu diiwaangelinaya ugu gudbiyo warbixin sanadeed ama xiliyaeed ku saabsan dastuurka, sharciga xaqiijinaayo warbixinta uu usoo gudbiyo xisbiga iney ku caddahay xisab-xir hantidhowka iyo xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira hantida, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka xisbiga iyo xeerka hannaanka qoondada iyo maareynta sanduuqa iyo maaliyadda xisbiga iyo xeerar kale.

Waxaa kale oo jira in ay muhiim tahay in la diyaariyo xeerar sida: Hab-dhaqanka murashaxiinta, Hab-dhaqanka codbixiyeyaasha, Hab-dhaqanka xallinta khilaafaadka, Hab-dhaqanka murashaxiinta xisbiga, Habka xisbiyada u kharash gareeyaan lacagaha iyo musharaxiinta, habka calaamadaha iyo loogooyinka xisbiyada, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Maaliyadda xisbiga iyo warbixin sanadeed.

Ugu dambeyntii iyada oo sababahaas darteed ay adag tahay in sanadkan ay doorasho guud Soomaaliya ka dhacdo ayaa hadana sida dastuurku dhigayo hey’adda sharci dejinta waxaa uu xilligeeda 4-ta sano ah ku egyahay 28-ka December ee sanadkan, wixii xilligaa ka dambeeya shaqadooda waa geyr dastuur.

Xigasho: Goobjoog News