17 Qof oo Gaajo iyo Cudur ugu geeriyooday Muqdisho

0

Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegya in dad ku jiray Xero ay degan yihiin Qoysas Barakacayaal ah oo u badan dadkii ka soo Cararay Abaarta ka jirta Gobolada Dalka ay gaajo iyo cudur u geeriyoodeen .

 

Ilaa 17 qof oo ka mid ah qoysaskii ay abaartu soo salkicisay ee Muqdisho soo maciin biday ayaa la soo sheegayaa in dadkaas ay u geeriyoodeen Gaajoiyo sidoo kale cudurka.

 

12 ka mid ah dadkaas ayaa la sheegayaa inay Gaajo u geeriyoodeen halka 5-ta kalana ay u geeriyoodeen Cudurka Jadeecada , waxaana dadka dhintay ay u badan yihiin Caruur iyo dad waayeel ah .

 

Maamulka degmada Kaxda ayaa sheegaya in dadkaas ay Gaajo iyo cudur u geeriyoodeen waxaana uu tilmaamay in aysan awoodin inay baahidooda daboolaan, isla markaana hal waqti raashin loo kariyo , kaas oo uu shaaciyay inuusan ku filnayn.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa Dadkii ka soo Cararay Abaarta ka jirta Dalka waxaa ay Saddex Xero uga sameysay Degmooyinka Kaxda,Dayniile iyo Garasbaaley.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com