220 Xildhibaan oo xaadirtay kulanka Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyay RW Xamsa.

0

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo ah 25ka June 2022 codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu Magacaabay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud 15kii June 2022.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hortagay Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad Dalka ka saari karta Xaaladda adag ee Bania aadamnimada, Dhaqaalaha & dhinacyada kale.

Intaas kaddib waxa uu ka codsaday in codka kalsoonida ay siiyaan Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, Guddoomiyaha Golahaas Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannad ka dalbaday in ay codaayaan.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in sanad iyo bar Dalka uu jiray Xaalad Doorasho iyo in Dowladda Soomaaliya ay hoos uga dhacday heerka ay joogtay sidaas awgeed loo baahan yahay in dalka uu yeesho Ra’iisul Wasaare soo dhisa Xukuumad lagula xisaabtamo.

“Sanad & Bar waxaa joogsaday hormarkii oo halkii Dowladda ay joogtay hoos uga sii dhacday, Xildhibaannada sharafta leh waxa aad la socotaan in dalka uu galay xaalad adag oo abaar ah, si degdeg loo helo Xukuumad wax ka qabata waxa aan idinka codsanayaa in aad codkiina siisaan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban”. Aadan Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha codka kalsoonida ka helay Golaha Shacabka ayaa kahor codeynta codsaday in uu garab ka helo Xildhibaannada Golaha Shacabka si uu u dhaqangeliyo qorshihiisa siyaasadeed ee uu la rabo in uu ku hoggaamiyo Xukuumaddiisa.

“Haddii Mudanayaal aad isiisaan codka kalsoonida waxa aan soo dhisi doonaa Xukuumad wax ka qabata xaaladaha taagan aniga oo kusoo xulan doona aqoon, karti & latashiyo aan sameyn doono” Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee XFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada iyo tirada Xildhibaannada fadhiga maanta joogtay.

“Fadhiga Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 220 Xildhibaan, waxaa u codeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre dhammaan Xildhibaannada oo ah 220 Mudane, wax diiday ama ka aamusay ma jiraan, sidaas awgeed waa ansax Ra’iisul Wasaaraha XFS”. Sidaasi waxaa yiri Sheekh Aadan madoobe oo natiijada ku dhawaaqay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la dhaariyay ayaa intaas kaddib la siiyay hadal jeedin uu xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay u siiyeen codka kalsoonida, waxa uu ka codsaday in ay garab istaagaan sida ay codka u siiyeen oo kale.

“Waxa aan dareemayaa farxad weyn oo ah kalsoonida guud ahaan aad isiiyeen, waxa aan filayaa in ay ka dhalatay filashada aad iga rajeyneysaan, waxa aan idinka codsanayaa in sida aad codka iisiiseen aad ii garab istaagtaan” Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha 21aad XFS.

Xamsa Cabdi Barre  ayaa xilka kala wareegi doono Ra’iisul Wasaarihii 20aad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, kaddib waxa uu magacaabayaa Xukuumad oo uu horgeynayo Golaha Shacabka si uu codka kalsoonida ugu raadiyo.