30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay nolosha George Floyd

0

 

Dilkii uu askari boolis caddaan ah uu u geystay nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd waxay sababtay iney gobollada Mareykanka oo dhan ay ruuxaan muddaharaadyo rabshada wata.

Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa.

George Floyd inta uusan dhiman 30 daqiiqo ka hor maxaa dhacay?

Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan.

George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa.

George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray.

Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa.

Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday.

Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin.

8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray.

Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa

Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay “inuu ku yiri gaariga ka soo deg ” intaa kaddibna “George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro” ayuu yiri.

14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray.

Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray.

Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran.

George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la’aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa.

Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh “waan neefsan la’ahay” mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey “hooya iga soo gaar”, “fadlan, fadlan, fadlan” isaga oo leh.

Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey.

6 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin.

Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd.

George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday.

Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah.

“Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah”, ayuu yiri Harris. “In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato.