Waxkasta waxy leeyihiin xisaab xir iyo meel gunaanad ah oo lagu xaqiijiyo ujeedkii loo diray taabo galkiisa ama ku guul dareysigiisa!.
Soomaaliya 4 tii sanaba mar ayey xisaab xir siyaasadeed gashaa waxaa isku soo baahda oo dib isku arka siyaasiyiin iyo shacabkii soo doortay oo laga yaabo qaarkood in ey isugu dambeysay 4 sano ka hor maalintii xilka la raadinaayey,waliba xilalku iskuma jiraan ee waxaa xiligaan oo kale baahi weyn loo qabaa codka bulshada waayo waxaa gacantoodaku jira oo kaliyah ee ey laamaha dowlada ka doortaan waa xildhibaanka aqalka hoose ee baarlamaanka kaas oo ah halbowlihii dowlada ama aas aaskii laamaha dowlada.
Inkastoo xildhibaanka si guud uu u yahay xildhibaan qaran hadana wuxuu ku fadhiyaa kooto qabiil iyo mid maamul ama deegaan hadaba xildhibaankii 4 tii sano ee la soo dhaafay aan wax door ah ku yeelan horumrka ,udoodida xuquuqdooda,difaacida deegaankiisa ama reerkiisa ee dhex muquurtay siyaasado ka dhan ah ama iska aamusay ee aan maashaariicda horumarineed aan wax uga raadin ee hadana usoo taagan in 4 snao oo kale la siiyo wuxuu Shalay mudan yahay in la yiraahdo noomaadan daneyn ee waa naga daneysatay ee fadlan raali noqo.
Hadba si weydii ama weydii xildhinaankaagii 4 tii snao ee la soo dhaafay arimahan wuxuu ka qabtay?
1.mashaariic uu suoo dhiciyey degaanka majirtaa?
2.minxooyin wax barasho oo uu u keenay ma jirtaa?
3.siyasad ahaan ma matalay deegaankiisa oo ma u taagnaa
4.ma shaqo galiyey dhalinyaradda uu matalo oo dowlada wax ma uga raadiyey?
- tan ugu daran imisa jeer ayuu booqday dadkii soo doortay oo la sootashaday?
Hadaba intaas oo ah inta ugu yar hadaad ka weysay waad lugo,day ee yaan laguu celi muwaadin.
Muhiimadda xildhibaan loo doorto waa in uu matalo deegaan iyo dad ee ma,ahan in uu ku raaxeysto ama ku kaluumeysto xilkaas mana ahan shirkad ganacsi oo uu gar u leeyahay xilka waxaa leh dadsoomaali ayaahorey u tiri nin xilqaaday eed qaad hadaba mudane garo waxa laguu geeyey booskaas.
Xildhibaankii intaas garowsan ama soo gutay waxaa xaqiiq ah in uusan 4 sano kale soo hunguriyeyn doonin oo uu jecleysan doono in qof masuuliyadaas culus kala wareega uu yimaado laakin ninka asagu ku daneystay sheekadiisu waa dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran mana leh miir oo waa kuwa qaarkood ayagoo 4 sano 8 sano 12 sano xilka soohayey hadana xoolo ku dhiibaaya sidii markale loogu dooran lahaa booskaas oo xataa xanaaqaya hadey arkaan qof kale uu u sharaxan booskaas sidain dhaxalkiisi lagu hayto.
Hadaba muwaadin ha yeelin 4 sano kadib in halqado oo hotel laguugu sameeyo lagaaga qaato masiirkaagi ama 4 sno kadib hal iskuul ama hal ceel oo aan hirgali doonin lagaaga sasabto xuquudaadi Shalay ayuu masiirkaagi gacanta kuugu jiraa ee dooro mid kula jiri doon inta uu xilka hayo ee ha dooran mid 4sano aadan arki doonin xataa taleefankiisana aadan haleeli doonin.
Ugu dambeyn waxaan kusoo gabagabeynayaa xildhibaankii albaabka xirtayoow? ma maqashay aadan yabaal usoo aroor abaalna kuuma erganee!.
Waxaa qoray
Hassan H Ahmed
Xasan110@gmail.com