7 ruux ayaa ku geeriyootay rasaas koox hubeysan ku furtay Aroos ka socday Tuullada Cadayleey Degmada Afgooye.

0

Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay guri ku yaalla Tuulada Cadeyley ee Deegaanka Buulalow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo xiligaas ay ka socotay xaflad Aroos sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen dhowr & toban kale oo u badan Haween ku sugnaa goobta Arooska oo xiligaas isu diyaarinayay galbinta lamaane ehel ay yihiin Dadkaas dhibaatadu gaartay.

Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay, waxaa is baddelay jawigii goobta arooska ka dhacayay iyada oo dadka qaar ay dhinteen, kuwo ayaa dhaawacmay halka kuwa badbaaday ay isaga baxsadeen goobtaas.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood xaaladdoodu liitado maadaama ay dhiig-baxeen ayaa loosoo gudbiyay Magaalada Muqdisho si looga daweeyo dhaawaca soo gaaray, halka dadka dhaqaatiirka Isbitaalka Afgooye ay sheegeen in lagu daweyn karo la jiifiyay isbitaalkaas.

Ehellada dadka waxyeellada soo gaartay ayaa sheegay in aysan garaneyn kooxda weerartay Tuulada isu imaatinka Arooska lagu qabtay balse xafladda oo aan dhammaan lagu kala cararay maadaama qaar kamid ah dadka dhimasho & dhaawac noqdeen.

Waa arooskii labaad oo todobaadkaan lagu weeraray Dadkii ku sugnaa, dhacdo tan aan ka fogeyn balse ka khasaara yar ayaa ka dhacday Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee DG Galmudug 7dii August 2022.