Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay MW Dowlad Gobaleedka Jubbaland

0

Ku simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga deegannada dowlad goboleedka Jubbaland, dadkii Ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo, la dagaallanka AS iyo wax ka qabashada dadka ay abaartu saameysay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa boggaadiyay in Dowlad Gobaleedka Jubaland ay dhankeeda in ay Ku biirto dagaalka ka dhanka ah AS kaas oo ka socda Goballada Dalka.

Guddoomiyaha Shacabka Baarlamaanka Federaalkan Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha KGS, sidoo kale Madoobe ayaa lagu filayaa in uu booqasho ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Gobaleedka Puntland.