Abaar saameyn taban ku reebtay Dadka & Duunyada ayaa ka jirta Qaaradda Afrika gaar ahaan Bariga, Dadka dhintay, kuwa xannuun ama la ildaran xannuunada ka dashay Gaajada & Oonka waxaa wehliya boqolaal Duur-joog ah oo tarab-tarab abaartu u laaysay.
Wasiirka Dalxiiska Kenya Peninah Malonza oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Nairobi ayaa sheegtay in Duurjoog badan ay haraadsan tahay isla markaana aanay heysan daaqa ay ku heli jireen dhulka Kaymaha ah oo ay ku nool yihiin.
In ka badan 200 oo isugu jiro Maroodi, Dameer-farow & Lo’ Kinsi ayaa raqdooda laga helay qaybo badan oo Kaymaha ah, markii la raad-raacay sababta ay u naf baxeen waxaa la ogaaday in haraad waqti dheer hayay & daaqsin la’aan ay isugu darsameen.
“Abaartu waxa ay sababtay dhimasho badan oo duur-joogta ah, Cunno & biyo la’aanta heysata ayaa sababtay in dhulka Kaymaha ah lagu arko Raqda Xawayaan badan, Maroodiga, Dameer-farowga & Lo’ kinsiga ayaa u badan” Wasiirka Dalxiiska Kenya.
Kenya oo ay ku sugan yihiin Duur-joog badan waxa ay muddooyinkii dambe Dowladdu ku howlaneed sidii ay meel isugu geyn lahayd si ay wax uga qabato ugaarsiga ka dhanka ah Maroodiga & Miyisha oo faantooda lacag badan la kala siisto.
Xukuumadda Nairobi waxa ay tilmaamtay weerarada ku kordhay dhulka Kaymaha ah ee AS geysaneyso in ay sababeen in Duur-joog badan ay deegaanka isaga tagto, haddii aan xal loo helin biyo la’aanta jirtana inta hartay ay markale ka tagi doonto ama ku dhamaan doonto.
Febaraayo illaa October 2022, waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen boqolaal Duur-joog ah oo saameyn taban ku reebtay abaarta ka dhalatay roobka oo aanay da’in muddo 4 waqti roobaad ah, taasi oo dhulka ka dhigtay mid qalalan oo Dadka & duunyadu waayeen Dooggii Cagaarnaa.