Afhayeenka XFS: “Xukuumadda Dan-Qaran waxa ay Ahmiyadda siineysaa Amniga waana tan keentay in lagu soo kordhiyo Wasiirka cusub ee Diinta Abuu Mansuur”.

0

Afhayeenka XFS Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka qaybgalay Dood lagu qabtay “Twitter Space” ayaa faah-faahin ka bixisay heerarka kala duwan ay soo martay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Farxaan ayaa sheegay in Xukuumadda “Dan Qaran” xulashadeeda ku timid wadatashiyo uu Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa uu la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhageystay talooyinkooda.

Jimcaale ayaa mar uu ka hadlay falcelinta kasoo laabatay Wasiirka magacaaban ee Awqaafta & Arrimaha Diinta ee Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu yahay mid ahmiyad lagu siinayo “Dib u xorreynta Dalka”.

“Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ugu magac daray Dan-Qaran waa mid ka shaqeyneysa magaca ay wadato, Nambar 1aad Xukuumadda waxaa aasaas u ah ee Wasiirka cusub ee lagu soo kordhiyay ee diinta & awqaafta Mudane Abuu Mansuur in ahmiyad la siiyo tiirka 1aad ee dalka dib lagu xorreynayo, Amnigana loo sugi lahaa oo haddii an la sugin horumar dhaqaale lama sameyn karo, caddaalad lama sameyn karo, Garsoor madaxbannaan lama sameyn karo, Dadku isku filnaashiyo dhaqaale ma gaari karaan oo xitaa Soomaali heshiis la ah Gobolka lama helaayo taasi ayaa keentay” Farxaan Maxamed Jimcaale, Afhayeenka XFS.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in Dadka fikrado kala duwan ay qabaan balse Dowladda oo ah mid fur-furan una baahan tahay wixii garab istaag ah in la siiyo halka wixii dhaliilo ah ay leedahayna qaadaneyso.