Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo la magacaabay

0

Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xaashi ka dib markii agaasimihii hore Cabdi Nuur Maxamed Axmed loo dalacsiiyey agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa hore u ahaa Agaasime Ku-xigeenka Waaxda warfaafinta,qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay magacaabistiisa.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta Cabdinuur Maxamed ayaa u rajeeyay agaasimahan cusub in xilkiisa uu Alle u fududeeyo.

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.