Akhri: JUBBA-LAND oo Mowqif adag ka qaadatay Wax ka badalka Hishiiskii Doorashada..

0

 

AWW/XM/DGJS/002/2016 Taariikh: May 21, 2016

War Saxaafadeed

Iyada oo uu dalka Soomaaliya kujiro xaalad kala guur ah, waxaa nasiib daro ah inay soo noq-noqdaan xasaradaha siyaasadeed ee xagal daacin kara heshiisyadii la gaarey iyo hanaan doorashooyinka ee sanadkan 2016.

Mowqifyadii la kala taagnaaKa hor heshiiskii Muqdisho ee bishii Janaayo 2016, ee lagu heshiiyey nidaamka lagu soo xulayo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, dhinacyada kala duwan iyo maamulada ka jira dalka ayaa kala haystay afkaar iyo mowqifyo kala duwan. Dhinacyada qaar ayaa qabay in nidaam qabiileedka 4.5 lagu soo xulo xubnaha labada aqal, halka kuwa kalena qabeen in nidaamka degmo iyo gobol lagu soo xulo xubnaha labada aqal. Mowqifka Dowlad Goboleedka Jubaland ee ku aadan arinkaas,ayaa ahaa in xubnaha Aqalka Hoose lagu soo xulo nidaamka degmo, halka xubnaha Aqalka Sarena lagu soo xulo iyadoo lagu saleeynayo tirada gobolada dalka ka jiray ka hor burburkii dowladii dhexe ee sanadkii 1991.

Tanaasulkii aan sameynay iyo heshiiskii la gaarey Kadib is-mariwaa adag oo ka dhashay afkaarta iyo mowqifyadii kala duwanaa ee la kala aaminsanaa,ayaa anagoo ka duulayna baahida umada Soomaaliyeed u qabto in xal degdeg ah la gaadho, ayaa waxaan ka tanaasulnay mowqifkeenii. Ugu danbayn, waxaa lagu heshiiyey in nidaam qabiileedka 4.5 lagu soo xulo xubnaha Aqalka Hoose, halka xubnaha Aqalka Sarena la soo xulo iyadoo loo qaybinayo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Heshiiskaas qudhiisa ayaanan ahayn mid ku saleysnaa cadaalad waayo tusaale ahaan; labada Maamul ee Galmudug iyo kan laga hir-gelinayo labada gobol ee Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan oo isku darkooda ka kooban sadex gobol iyo badh, ayaa tirada xubnaha Aqalka Sare ee ay helayaan labadaas maamul la mid tahay tirada ay helayaan Jubaland iyo Koonfur-Galbeed oo ka kooban lix gobol oo ah 16 xubnood isku darkooda.

Sida muuqata ma ahayn heshiis ku fadhiyey sal-dhig cadaaladeed, laakiin haddana sidaan kor kusoo xusnay, tanaasul ayaanu samaynay anagoo ka duulayna danta umadda Soomaaliyeed.

Arimaha soo baxay ee xagal daacinaya heshiiskii la gaadhey Heshiiskii la gaadhey kadib, ayaa waxaa nasiib darro ah in Dowlada Federaalka ee Soomaliyeed ku dhaqaaqday talaabooyin xagal daacin kara heshiiskii Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaliyeed ayaa iyadoo la kaashanaysa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed miiska soo saartay arrin aan ku jirin heshiiskii la gaadhey oo ah in gobolka Banaadir loo qoondeeyo saami qayb kamida xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, taasoo aanu u aragno talaabo xagal daacin karta dhamaan dadaaladii lagu bixyey in la gaadho heshiiskii Muqdisho.

Arrinta Gobolka Banaadir ayaa marka hore in ubaahan in la isla meel-dhigo maqaamka Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir maadaama Muqdisho tahay caasimada dalka, isla markaana ah mid u dhaxaysa umadda Soomaaliyeed.

Arrinka maqaamka Muqdisho iyo gobolka Banaadir ayaanan laga wada xaajoonin waqtigii ku haboonaa oo ahaa waqtigii la saxiixayey heshiiskii Muqdisho, sidaas darteed, xilligan oo lagu jiro dhaqan gelinta heshiiskaas, in la soo furo arrinka Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho waxaan u aragnaa inay tahay talaabo keeni karta is-mariwaa hor leh isla markaana xagal daacinaysa heshiiska la wada saxiixday.

Go’aanka Dowlad Goboleedka Jubaland

Mowqifka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ah in la raaco heshiiskii Muqdisho lagu wada saxiixday ee ku aadanaa nidaamka lagu soo xulayo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliye ee isla markaana loo hogaansamo saamiga qaybsiga xubnaha labada aqal.

Dowlad Goboleedka Jubaland ma ogola mana aqbalayso in qodobo cusub lagu soo daro heshiiskii Muqdisho.

Isla markaana, Dowlad Goboleedka Jubaland ma qaadayso mas’uuliyadda cawaaqiibta ka dhalata arrinkaas.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here