Akhri: Magacyada iyo Beelaha Masuuliyiinta Maanta la magacaabay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan;

Hadaba Xogdoonnews waxay idinla wadaagaysaa Magacyada iyo Beelaha Masuuliyiiintan uu Maanta Magacaabay Madaxwayne Farmaajo.

1- Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Habrgidir, Sacad.

2- S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Shiikhaal.

3- G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hawiye, Abgaal.

4- Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka/ Reer Aw Xasan.

5- S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Habrgidir, Sacad.

6- G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Murusade.

7- G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, daarood Mareexaan.