Akhriso 6 Qodob oo looga hadlay Kulankii Farmaajo , Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kulankii u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh,kaas oo goordhow lagu soo geba-geboobay madxatooyada qaranka ee Villa Somalia.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay ilaa iyo lix qodob iney si qoto dheer diirada u saareen,kuwaas oo kala ah.
1 – Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka garaabay, raali gelinna ka bixiyey is-hortaagyo madaxdii hore ee dalka lagu sameeyey xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

2 – Waxaa la isla gartay in doorashooyinka hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligooda ku dhacaan. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ay ka heshiiyaan noocaa doorashada.

3 – In la dhowro dastuurka, xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Islamarkaana taas ay si isku mid ah u ilaaliyaan dowladda iyo xisbiyada mucaaradka.
4 – Inaan hay’adaha amniga loo adeegsan siyaasadda, islamarkaana siyaasiinta aysan siyaasadeysan amniga.

5 – In meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga.

Waxaa sidoo kale jira qodobo kale oo laga wada hadlay balse lagu ballamay in mar kale la iskaga yimaado oo laga sii wada hadlo kadibna go’aan laga gaaro.