Akhriso; Qoraal Madasha Xisbiyada Qaran ka soo saareen xaalada gobolka Gedo

0

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogaga hadlay xaaladaha ka jira gobolka Gedo iyagoo ugu baaqay dowlada federalka inay joojiso colaada ay ka hurinayso gobolka Gedo.

Madasha Xisbiyada Qaran oo inta badan qoraalo ku soo saara xaaladaha dalka ka jira ayaa qoraalka ay ka soo saartay gobolka Gedo waxa ay ku soo koobtay shan qodob.

Qodobada ayaa loogu digey in ciidamada Itoobiya loo adeegsado khilaafka ka jira gobolka Gedo.

Qoraalkan ayaa lagu soo hadal qaaday Agaasimaha Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyagoo ku tilmaamay inuu burburinayo dhismaha ciidamada Soomaaliyeed balse wax cadeyn ah laguma xusin qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran;