Akhriso Xiisadda Khaliijka oo xal loo raadinayo

0
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2016-12-06 17:59:00Z | | ÿ

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait Khaalid Jaarallah ayaa xusay in ay dhaceen shirar heer Wasiir ah oo u dhexeeya wadamada Khaliijka qaarkood, lagana wada hadlay sidii loo soo afmeeri lahaa go’doominta siyaasadeed ee la saaray dalka Qatar.

Wadamada Sucuudiga, Masar, Imaaraat-ka iyo Baxrayn ayaa aqbalay inay ka qaybgalaan cayaaraha Qaramada Khaliijka oo 24-ta bishan ka furmaya dalka Qatar, taas oo ah calaamad muujinaysa isu soo dhawaansho xagga diblomaasiyadda ah.

Shirkii golaha iskaashiga wadamada Khaliijka oo isna aan la cayimin waqtiga la qabanayo ayaa la doonayaa in dib boorka looga jafo, si loo soo celiyo xiriirkii wadamada Carabta.
Bartamihii sanadkii 2017-da ayay wadamada Sucuudiga, Masar, Imaaraat-ka iyo Baxrayn waxay go’doomin dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo cir iyo dhul ah ku soo rogeen Qatar oo ay ku eedeeyeen inay ganacan siiso ururo xagjir ah.

Balse Qatar oo eedayntaas beenisay ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso isku filnaashaheeda dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah, waxaana ay taageero ka heshay wadamo uu Turkigu ka mid yahay.