Akhriso: Yuusuf Garaad oo fariin u diray Madaxdii hore iyo kuwa hada talada haya

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari karta ka dib hadalkii ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar ayaa hoosta ka xariiqay iney tahay wax aan la qaadan karin khal khal gelinta safarka madaxweynayaashii hore oo bedqabkooda saameyn kara.
“Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga” ayuu ku yiri Yuusuf Garaad Cumar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Hadalka Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli xalay shir jiraa’id uu ku qabtay caasimadda Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif uu ku dhaartay inuu dagaal ku saarayo Dowladda Farmaajo.