Al-shabaab oo Ka Hadlay Weerarka Lagu Qaaday Hoteelka SYL

0

Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarka caawa dagaalyahano ka Tirsan Ciidankooda ay ku qaadeen Hoteelka SYL oo ku yaala meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya.

War kasoo baxay Shabaaab oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay hoteelka weerareen,islamarkaana ay gudaha ugu jiraan,ayna wadaan Toogasho loo geysanayo Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Shabaab ma aysan sheegin ragga ay ku dileen Gudaha Hoteelka SYL, iyo Tiradda ay dileen,balse waxa ay sheegeen in weerar qorshaysnaa ay ku qaadeen.