Al Shabaab Oo Sawirro Naxdin Leh Ka Faafiyey Weerarkii Ceel Saliini 

0

Ururka AL Shabaab ayaa faafiyey Sawirada Qaabkii uu udhacay Weerarkii Ceel saliini Ee Duleedka Degmada awdheegle Shalay Aroortii.

Al Shabaab ayaa faafiyey Sawirada Askar katirsan Ciidanka Dawlada oo ay ku dileen Dagaalkaasi islamarkaana khasaaro badan uu ka dhashay.

Hub gaadiid ay ku jiraan iyo Saanado ay rarteen ayaana sawirada ay soo bandhigeen ku jiray,uuro iyo Holac ayaana la arkayey oo goobta ka baxeysay.

Mid ka mid ah Rag ay nolosha ku qabteen sawirkiisa ayey baahiyeen Al Shabaab oo ay dagaalkaasi ku qabteen

Waxay Al Shabaab sheegeen in 23 Askari ay ku dileen dagaalkaasi oo qaniimo badana ku qabsadeen dagaalkaasi.