Amaanka magaalada Jowhar oo la adkeeyay iyo olole doorasho oo ka bilowday

0

Guud ahaan ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan lagu qabto doorashada Madaxtinimada Hirshabelle.

Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan magaalada iyadoo wadooyinka ku dhow dhow xarumaha dowladda la xirey.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la dhigey carro faro badan qaar ka mid ah wadooyinka xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar iyadoo loo diiday inay maraan gaadiidka.

Ciidamo Boolis ah ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada gaar ahaan xilliyada habeenkii sida ay soo sheegayaan weriyaal ku sugan magaalada Jowhar.
Sidoo kale kontaroolada laga soo galo magaalada ayaa lagu weydiinayaa dadka saaran gaadiidka rakaabka halka ay u socdaan iyo weliba damiin.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Jowhar soo gaaray guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa doonaya inay dib ugu soo laabtaan baarlamaanka oo markale ka mid noqdaan halka musharaxiin kale ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay helaan xubinimada baarlamaanka Hirshabelle.

Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle.