Muqdisho waxaa ka socda maalintii saddexaad shir u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika si ay uga arrinsadaan la jaan-qaadka howlgalka cusub ee ATMIS oo loo baddelayo AMISOM oo tan iyo 2007dii ka socday Dalka.
Qorshahaan ayaa soo billawday 1dii April 2021, marba heer ayuu soo gaaray si looga fakiro mustaqbalka Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya jooga maadaama Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo gaabiyay waqtiga howlgalkaan.
Dabayaaqadkii December 2021, muddo kordhin ku siman 31ka Maarso 2022 ayaa la siiyay howlgalka AMISOM si wixii ka dambeeya 1da April 2022 loogu howlgalo magaca ATMIS oo ka shaqo iyo ka qaybgalayaal ballaarnaanaya.
Saraakiisha Ciidamada Qaranka Soomaaliya & AMISOM oo muddo wada howlgalayay ayaa ka xaajoonaya sidii ay ula jaan-qaadi lahaayeen howlgalka cusub oo sida qorshuhu yahay dib boorka looga jafayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gaabiska ku yimid.
Madaxa howlgelinta AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in howlgalka cusub oo socon doono 2022-2024 uu wax badan ka baddelnaan doono howlgalladii hore, wadajir ayuu sheegay in looga shaqeyn doono sidii loo diyaarin lahaa ciidamada soomaalida ee la wareegi lahaa mas’uuliyadda Dalkooda.
“Iyada oo la raacayo fikradda howlgallada iyo hirgelinta qorshaha kala guurka Soomaaliya ee 2021, Saraakiishu waxa ay shirkooda ugu gogol-xaarayaan sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd nabadgalyada & bilicdeeda” ayuu yiri Danjire Madeira.
Howlgalka AMISOM ayaa soo billawday 19kii January 2007, sanad weliba waxaa la dhimayay Ciidamada Militariga ee AU-da oo la gaarsiiyay 20,626 (Labaatan kun, lex boqol, labaatan & lex) Askari oo ka kala socda Dalalka Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya & Jibouti.
Ciidanka Booliiska ah ee AMISOM ku howlgalla ayaa laga kala keenay Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Sierra Leone, Ghana & Nigeria, Xukuumadda Kampala ayaa door muuqda ku leh ciidamada ugu badan ee howlgalkaan xubinta ka ah