Amnesty: Waa in la baaraa duqeymaha Mareykanka ee Somalia, Syria, Iraq & Afghanistan.

0

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo daba socotay war kasoo baxay Mareykanka oo uu ku qirtay in dad rayid ah uu ku dilay duqeyn uu ka geystay Magaalada Kabul 29-kii August 2021 ayaa dalbatay in la baaro duqeymo kale oo ka dhacay Dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq & Afgaanistaan.

Brain Castner oo katirsan Waaxda Baarista Dambiyada Dagaalka ee Hay’adda Amnesty International ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in mas’uuliyadda ugu ee loo baahan yahay ay tahay in la baaro duqeymihii dhacay.

Waxa uu soo dhaweeyay qirashada Mareykanka ee duqeynta dadka rayidka ah lagu dilay iyo raalligelinta Washington ay bixisay balse waxa uu dalbaday in magdhaw la siiyo qoysaska dhibbanayaasha si ay u helaan dhigga dadkooda ku baxay duqeynta Ameerikaanka.

“Duqeymo la mid ah tan Afghanistan ayuu Mareykanka ka geystay Suuriya, Ciraaq & Soomaaliya, dhacdooyinkaas waa kuwo u Mareykanka iska indha-tiray xaqiiqooyinkooda balse waa in baarista lagu sameeyaa” ayuu yiri Brain Castner oo xubin ka ah waaxda baarista dambiyada ee Amnesty International.

Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliyay waddamo ay kamid tahay Soomaaliya, waqti kala duwan waxa uu qirtay in waxyeello ay gaarsiisay dad rayid ah, halka qaar kale uu inkiray, Taliska AFRICOM ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in uu baarayo eedeymo ka dhan ah weeraradooda.

Diyaaradaha Duulliye la’aanta Mareykanka (Drones) ayaa duqeymo joogta ka fuliyay Soomaaliya 2020-kii, gobollada ugu badan ee weerarada cirka ah ay ka dhaceen waxaa kamid ah: Shabeelaha Hoose, Bay & Bakool oo Koofur Galbeed ah, Jubada Hoose, Jubada Dhexe & Gedo oo Jubbaland ah, Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle, Mudug oo Galmudug ah & Buuraleyda Bari oo DG Puntland ah.

Mustaqbal